Saylac iyo samaronka 3aad: mashaariicdii ay masaaridu ka fulisay dhulkii ay gacanta ku haysay iyo sidii ay u cunaqabtaysay dekadihii iyo degaankii gadbuursi

Adduunku waa Fasal,wakhtigu waa Macalin waayo-arag ah,dharaaruhu waa qalinka wax lagu qoro,dhacdooyinkuna waa duruus lama illaawaan ah. Mawduucan oo ah mid taxane ah oon ugu magac darnay “Saylac iyo Samaroonka”  qormadan oo ah tii 3aad waxan maanta kaga hadli doonaa mashaariicdii ay Masaaridu ka fulisay magaalooyinkii ay gacanta ku haysay iyo sidii aanay waxba uga qaban  magaalooyinkii iyo degaankii reer Sh. Samaroon kadib markii ay ka horyimaadeen gumeysiga ciidamada masaarida.
“Taariikhdaa inoo caddaynaysa cidda Saylac iska leh,iyadaa daaha ka rogaysa duruufihii shacabka iyo ganacsatadii reer Sheekh Samaroon ay magaalada Saylac uga guureen hal qarni ka hor, balse ka guuristaa macnaheedu maaha inay gabi ahaanba dadku ka haajireen gayiga oo ay cidkale degtay laakin waxa istaagay xidhiidhkii ganacsi ee dhinaca badda kadib markii uu gumaysigii kala dambeeyey gabi ahaanba albaabada u xidhay ganacsigoodii taasina ay ganacsatadii ku xambaartay inay ka guuraan una wareegaan magaalada Boorama, halka magaalada iyo degaankaba wali ay deganyihiin dadkii dhulka lahaa, sidaas awgeedna aanay maanta suuro-galayn inay cidkale sheegato. Waxan xusi doonaa sida Daahir Rayaale iyo Ina Cumar geelle midkood aanay taariikh cusub ugu samayn karin Saylac, laakiin ay ugu mashquulsanyihiin taariikh been been ah oon soconayn,waxan u sheegaynaa inay magaalada Saylac tahay Qudus-ta afrikada bari.

Cuno-qabateyntii masaarida ee Saylac iyo degaankii ku hareeraysnaa:Haba yaraatee Masaaridu wax horumar ah kama samayn magaalada saylac intii ay gacanta ku haysay.Masaaridu waxay iridaha u xidhay gabi ahaanba ganacsigii ay reer saylac la laayeen dalalka Yemen iyo India kadib markii xukunkii masaarida iyo xadaaradii Gadabuursigu is mari waayeen.Halka ay dib udhis iyo dib uhaybayn casriyeysan iyo adeegyo bulsho intaba ay ka hirgalisay magaalada Berbera oo isku mar ay soo caga dhigteen ciidamada masaaridu.

Waxa maamulkii masaaridu qaaday talaabooyin uu ku horumarinayo meelihii xukunkooda laga soo dhaweeyey. Tusaale ahaan,dekedii magalada Berbera dib ayey uhabeeyeen wixii ay masaaridu lasoo degaysana halkaasay kala soo dagi jireen kadib markay saylac albaabada iskugu dhufatay,waxaanay u sameeyeen minnaarad ama nobiyad laga hogaamiyo maraakiibta dekadaas kusoo xiranaysa oo ay Masaaridu lahaayeen.Waxay dhiseen bakhaaro waaweyn oo lagu keydiyo dhuxusha ay maraakiibtu kusocon jirtey.Mudo shan sano gudohood ahna waxay aas aaseen magaalo cusub (Bullo xaar).

Magaaladaas waxay ka dhiseen masaajid weyn iyo waliba guryo iyo jidad habeysan oo nadiif ah. Injineeradii masaaridu waxa kale oo ay soo saareen biyihii macaanaa oo dhulka ku hoos jirey iyagoo isla markaasna magaaladii Berbera usameeyey nalal ku shaqeeya gaas, taasoo la mid ahayd sidii nalalka wadanka masar barigaas ushaqeyn jireen. Waxa kale oo ay sameeyeen Cusbitaal, Farmashiye iyo waliba xafiis boosto.

Magaalada bullo xaar iyana waxay ka dhiseen xafiis laga dhoofiyo waxyaalaha dibadda loo dhoofinayo iyo waliba guryo dhagax ah oo loogu talo galay shaqaalaha xafiisyadaa ka shaqeeya.

Sidoo kale magaalada Harar oo ay masaridu ka gacan maroojisay maamulkii Ugaas Nuur ee gacanta ku hayay iyana waxay horumariyeen dhanka beeraha.Kadib markay arkeen inay leedahay dhul-beereed aad uwanaagsan xaakimkii masriga ahaa ee xukumeyey Harar wuxu dhul-beereedkii u qeybiyey dadkii soomaliyeed oo iyagu wakhtigaa ka hor aan aad ufahansanayn dhul-beerista iyo faa’iidadiisa balse quudan jirey waxa uga soo baxa xoolaha nool (Cad iyo Caano).

Si uu udhiiri galiyo labiska carbeedna ugu faafiyo geeska afrika wuxu xaakimku hadba qofkii wax beera hadiyad usiin jirey qamiis quruxbdan.Waxa kale oo ay horumariyeen samaysnta dharka oo xaakimkii masriga ahaa iyo masaaridii kale ee kunoolaa Harar waxay wada xidheen dharkii Harar lagu sameeyey si ay somalida ugu dhiirigaliyaan xidhashada dharka carabta oo ay uga baxaan go’a ay dhexda ku duuban jireen. Waxa kale oo ay sameeyeen telegraam isku xidha magaalooyin badan oo soomaliyeed illaa Suwakin iyo Musawac. Waxa kale oo ay masaaridu horumariyeen waxbarashadii oo waxay dadkii si sax ah ubareen Arkaanta islaamka iyo xafidka quraanka. Waxa Harar ku noolaa kumanaan masaari ah oo qaarkood waxabay guursadeen dad somali ah.

Sikastaba ha ahaatee,waxay masaaridu ku guuleysteen inay meelo badan oo somaliya ka mid ah maamulaan laga bilaabo sanadkii 1870-kii ilaa sanadkii 1884-kii wakhtigii uu Mahdigii Suudaan soo shaac baxay. Markii uu Mahdigii Suudaan soo shaacbaxay isla markiiba waxay Masaaridu bilowday inay ciidamadeeda ka daadgurayso wadamada Somaliya iyo Ereteriya dabayaaqadii sandkii 1884-kii. Sida ay qoreen taariikhyahanadii carbeed.

Mar allaale iyo markii ay masaaridii ka baxday meelihii ay maamulayeen waxa soo shaac baxday su’aasha ah yaa buuxin doona booskii masaaridu ka baxday? Su’aashaas waxa isweydiinayey shiisheeyaha, ee somalidu wali uma bislaan  inay su’aalo nuucaas ah is weydiiyaan.

La soco qaybaha dambe oon kaga hadli doono ka bixistii Masaarida iyo soo galidii gumaysiga ingriiska iyo faransiiska iyo halkii ama degaankii ingiriisku qabiilada Samaroonka iyo Ciisaha heshiisyada kula saxeexday. Yuu ingriisku saylac heshiiska kula galay? ……..Qabiilka Ciisaha iyo ingriisku halkey heshiiska ku kala saxeexdeen, ma saylac bay ku kala saxeexdeen? Arimahan iyo qaar kale oo dadka iskaga qasan waxad kaga bogan doontaan qoraaladeena dambe ee yaanay ku dhaafin.

Jawhar Qalinle
Email: [email protected]

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *